Aragtida
Dal ku dhisan cadaalad, dimuqraadiyad iyo horumar, oo muwaadin kastaa ku helo fursad siman iyo adeeg tayo leh.
Nagu Saabsan
GCD waa gole siyaasadeed oo mideeya aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah, kuna dadaala inay dalka ka dhistaan maamul caddaalad ku dhisan, xisaabtan leh oo horumar wata.

Hordhac
Golaha GCD wuxuu ka dhashay baahi loo qabo gole matala codka bulshada, kana shaqeeya in dowladnimadu noqoto mid u adeegta muwaadinka, ilaalisa xuquuqda, kuna dhisan sharci iyo daah-furnaan.
Golahu wuxuu isugu keenaa khibrad, aqoon iyo waayo-aragnimo si loo dhaliyo siyaasado waxtar leh oo taabanaya nolosha bulshada gobollada oo dhan.
Dal ku dhisan cadaalad, dimuqraadiyad iyo horumar, oo muwaadin kastaa ku helo fursad siman iyo adeeg tayo leh.
Inaan dhisno gole siyaasadeed oo hufan, matala bulshada, kuna hawlgala soo-jeedinta siyaasado waxtar leh iyo kormeerka hay'adaha dowladda.
Hay'adda ugu sarreysa ee Golaha, waxay ansixisaa siyaasadaha iyo qorshayaasha guud.
Kormeeraa fulinta siyaasadaha waxayna matalaan gobollada iyo qaybaha bulshada.
Maamula howlaha maalinlaha ah, barnaamijyada iyo xiriirka bulshada.
Guddiyo khaas ah oo u qaybsan siyaasad, dhaqaale, bulsho iyo xiriir dibadeed.
Xoojinta hay'adaha dowladda iyo maamul-wanaagga
Taageerada doorashooyin xor, xalaal ah oo daahfuran
Horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dhalinyarada
Fidinta adeegyada waxbarasho iyo caafimaad ee tayada leh
Ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoreynta saxaafadda
Dhiirrigelinta maalgashi gudaha iyo dibadda